kulanka wadatashiga marshuuca drive (drive project consultation meeting) arbaca, 25-02-2026

arbaca, 25-02-2026, waxa ka qabsoomay saaka xarunta guud ee hay’adda dhawrista tayada jsl, kulanka wadatashiga daneeyayaasha marshuuca drive (drive project consultation meeting). kulankaas oo ahaa mid ballaadhan ayaa waxa ka soo qayb-galay dhammaan daneeyayaasha uu marshuucani sida tooska u taabanayo, ayada oo ujeedku ahaa in wadatashi baaxad leh laga yeesho sidii mashruucani u noqon lahaa mid midho-dhala, dhammaad wanaagsanna yeesha.

kulanka waxa furay guddoomiyaha hay'dda dhawrista tayada md. maxamed kayse axmed, waxa iyaguna gobtaas hadlo ka jeediyayay maamulka saree e mashruucan iyo weliba sidoo kale ka-soo-qaybgalayaasha barnaamijkan. intii kulanku socday ayaa waxa madashaas lagaga doodey oo lagu falnqeeyey sidii la iskaga kaashan lahaa shaqada la wadaagayo iyo hawlaha la xidhiidha mashruucan drive.

 

ugu danbeyn kulankaas ayaa ku soo dhammaaday natiijo wanaagsan iyo is-afgarad, jawi qurxoon ayaana kulankaasi ku soo idlaaday.

 

allaa mahad leh

xafiiska isgaadhsiinta iyo xidhiidhka dadweynaha, hay’adda dhawrista tayada jsl.)