
kulanka laba toddobaadlaha ah ee maamulka sare iyo waaxaha kala duwan ee hay'adda dhawrista tayada jsl)
(sabti, 30-march-2026, waxa ka qabsoomay maanta xarunta dhexe ee hay'adda dhawrista tayada, shirkii maamulka sare ee hay'adda dhawrista tayada jsl iyo waaxaha kala duwan ee hdht.
shirkaas oo labadii usbuucba mar qabsooma ayaa ah mid lagu dardargeliyo hawlaha hdht, waxaana sidoo kale dib-u-eegis lagu sameeyaa wixii u qabsoomay hay'adda, iyada oo gorfeyn iyo rogrogid lagu sameynayo caqabadaha jira [haddiiba ay jiraan], isla markaana lagu kala guddoomayo waajibaadka cusub iyo qorshayaasha waaxaha kala duwan ee hay'adda hor yaalla labada usbuuc ee soo socda.
shirka waxa guddoominayay guddoomiyaha hay'adda dhawrista tayada md. maxamed kayse axmed oo uu wehelinayo guddoomiye-ku-xigeenka hay'adda dhawrista tayada jsl, md. dr. maxamuud jaamac cali iyo sidoo kale ku-simaha agaasimaha guud ee hdht md. maxamed cabdi fariid (ahna agaasimaha waaxda qorsheynta iyo cilmi-baadhista).
intii kulanku socday waxa warbixin laga dhegeystay waaxaha kala duwan ee hay'adda, ayaga oo waax-waax looga dhegeysanayo wixii u qabsoomay iyo waxa u qorsheysan toddobaadyada soo socda labadaba. maamulka sare ee hay'adda: guddoomiyaha iyo guddoomiye-ku-xigeenka ayaa iyaguna dhankooda agaasimahayaasha waaxaha kala duwan ee hdht su'aalo ka weydiiyay hawlihii ay soo qabyatireen iyo hawlaha u qorsheysan maalmaha inagu soo aaddan intaba. sidoo kale maamulka sare ee hay'addu waxa ay ku dhiirrigeliyeen agaasimayaasha waaxaha in waax waliba ay sii xoojiso shaqadeeda si gaar ah, si guudna doorka kaga aaddan dedaalka guud ee hay'adda dhawrista tayadu ay ugu jirto ilaalinta bedqabka iyo tayada agabka iyo anfaaciga ay isticmaalayaan ummadda reer somaliland.
ugu danbeyn waxa shirka soo xidhay guddoomiyaha hdht, waxaana halkaas ay ku kala guddoomeen maamulka sare ee hdht iyo dhammaan waaxaha hdht in kulanka danbe la isku yimaaddo iyada oo dhammaan waajibaadkaas la kala qaatay, si weyn loo soo wada qabyo-tiray.
allaa mahad leh
xafiiska isgaadhsiinta iyo xidhiidhka dadweynaha, hay'adda dhawrista tayada jsl.)
-
999View -
1View -
65744872714838876071089722730645644010075787nView -
65812457314838881137755885635587252614086136nView -
65833116814838881004422569122114809900502586nView -
65835568314838877237756273837401925620832098nView -
65843010914838873271090005350653993017869234nView -
6588726781483888153775584407963582286005775nView -
65905889114844323103878357770138262286226878nView -
65914982214838875704423092795503445675378473nView -
65934159414838878071089521796033400920759430nView -
65939061514838868404423824987066038789771310nView -
65952362314838867737757222140092674285559551nView -
66040323114838881971089136159177923425767980nView -
660451426148388738710899430643146187339702nView -
66046945514838880771089256783072735006562530nView -
66078729614838877504422917468877237259155525nView -
66093266414838868004423864035023193482991403nView -
66100123214838873771089958437270794985072014nView -
66111209014838877004422968928675113867479868nView -
66164679514838869904423672360357513276207806nView -
66254725414838874704423195658501021215255342nView -
66257018114838873337756662528440786428914725nView -
66286626514838881737755823333017313391666892nView
