Hargaysa 01 July 2025.
Guddoomiyah Hay'adda Dhawrista Tayada JSL,: Maxamed Kayse Axmed, oo ay weheliyaan Guddoomiye ku xigeenka Hay'adda Mudane: Dr, Maxamuud Jaamac Cali iyo Agaasimaha Guud ee Hay'adda Axmed Cali Ismaaciil, ayaa maanta kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah Waaxaha Hay'adda Dhawrista Tayada JSL.
Waaxaha ay maanta mas’uuliyiintu kulamadda la yeeshan ayaa kala ahaa.
1. Waaxda Qorsheynta
2. Waaxda Shaybaadhka
3. Waaxda Hubinta Tayada iyo Baadhista.
Kulan-kan oo ujeeddadiisu ahayd is-xogwaraysi ku saabsan hawlaha shaqo iyo sidii loo dardargelin lahaa shaqada Hay'addu Qaranka u hayso, gaar ahaan waajibaadka ka saaran waaxyahaas, ayaa lagu lafaguray iyo siddii kor loogu qaadi lahaa hufnaanta iyo wax-soo-saarka shaqada.
b5d37c6c9a944681a3d9189b077ed90a
9c0d5598421048d1943310c664b26ae7
ae6864fff1f14b88b76d2a33854743f6
2934e08dfd8b47f3bb9792b0043ff5b4
85c2546fb3fd4298a0741efe39b69370