Maanta, oo ay taariikhdu tahay 30-dii bisha June-2025, Isniin ah, waxa ka qabsoomay Xarunta guud ee Hay'adda Dhawrista Tayada kullankii koobaad ee Guddida Hay'adda Dhawrista Tayada

Maanta, oo ay taariikhdu tahay 30-dii bisha June-2025, Isniin ah, waxa ka qabsoomay Xarunta guud ee Hay'adda Dhawrista Tayada kullankii koobaad ee Guddida Hay'adda Dhawrista Tayada oo uu Guddoominayey, Guddoomiyaha Guddida ahna Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland Mudane, Maxamed Kayse Axmed, oo uu weheliyaan Guddoomiye ku xigeenka Hay'adda Mudane, DR, Maxamuud Jaamac Cali, Agaasimaha Guud ee Hay'adda, Mudane Axmed Cali Ismaaciil & xubnaha komishinka ee Hay’adda kale, Dr, Aniisa Cabdi Axmed, Xasan Yuusuf Maxamed iyo Siciid Cabdi Xasan, intii kulan ku socday waxa la iskula eegay hannaankii loo dardar gelin lahaa shaqada ay Hay’adda Dhawrista Tayada JSL Qaranka u hayso iyo sidoo kale waxa dib u eegis loogu sameeyey Qorshe-yaasha Hay’adda ee dhow.