
Kulanka saddex-biloodlaha ah ee Komishanka Dhawrista Tayada JSL. Arbaca, 11-February-2026
Kulanka saddex-biloodlaha ah ee Komishanka Dhawrista Tayada JSL.
Arbaca, 11-February-2026
Sida uu dhigayo xeerka Hay'adda Dhawrista Tayada JSL, Xeer No: 68/2014, qodobkiisa 20aad, farqaddiisa 2aad, "Shirarka caadiga ah ee Guddida (Komishanka) waxa ay qabsoomayaan saddexdii biloodba hal mar." Haddaba iyada oo xeerka Hay'adda la dabbaqayo, hawlaha Hay'addu ay qaranka u haysana la dardargelinayo, waxa ka qabsoomay saaka Xarunta Guud ee Hay'adda, gaar ahaan xafiiska Guddoomiyaha kulankii saddex-biloodlaha ahaa ee Guddida Dhawrista Tayada JSL.
Kulankaas waxa goobjoog ka ahaa: Guddoomiyaha Hay'adda Md. Maxamed Kayse Axmed, Guddoomiye-ku-xigeenka Hay'adda Md. Dr. Maxamuud Jaamac Cali, Agaasimaha Guud ee Hay'adda Md. Axmed Cali Ismaaciil iyo sidoo kale xubnaha Komishenneerrada ee Hay'adda Dhawrista Tayada: Komishanneer Dr. Aniisa Cabdi Axmed, Komishanneer Xasan Yuusuf Axmed, Komishanneer Cabdirashiid Maxamed Xuseen iyo Komishanneer Siciid Cabdi Xasan.
Fadhiga oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha HDHT ayaa waxa lagu soo bandhigay warbixinta waxqabadkii u qabsoomay Hay'adda sannadkii dhammaaday ee 2025, sidoo kale waxa iyana kulanka lagaga dooday qorshaha cusub ee Hay'addu yeelanayso sannadka 2026, haddii Alle idmo.
Ugu danbeyn waxa kulanka soo xidhay Guddoomiyaha Hay'adda Dhawrista Tayada, waxaaana madashaas lagu soo lingaxay dedaal hor leh oo goobtaas lagu kala guddoomay, iyo dardar xooggan oo la geliyo masuuliyadaha Hay'addu u hayso qaranka iyo bulshada reer Somaliland intaba.
ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Isgaadhsiinta Iyo Xidhiidhka Dadweynaha – Hay’adda Dhawrista Tayada JSL
-
63283880714416857779958223502194363128445506nView -
63392953614416849279959073181426014193809915nView -
62915316114416984179945584080235538460061813nView -
6298681201441698241327909430240972681219153nView -
63057223214417018913275447401369377264000946nView -
63125457514416854113291921518584727397288053nView -
63136864114416980613279272739374231903734392nView -
63165580814416997979944207167028585258802369nView -
63202760114416978213279517679771193181976634nView -
63271314114416851013292234619412635858557996nView
