Hay’adda Dhawrista Tayada JSL iyo Xuska Munaasibadda 18-ka May.

Hay’adda Dhawrista Tayada JSL iyo Xuska Munaasibadda 18-ka May.
17 May 2025.
Hargeysa, Jamhuuriyadda Somaliland:

Waxaa habeenkii xalay ahaa ka qabsoontay Xarunta dhexe ee Hay'adda Dhawrista Tayada JSL Xaflad lagu xusayey Munaasibadda 18-ka May, ee dib ula soo noqoshada Maddax bannanida Jamhuurriyadda Somaliland. Xafladdaasi oo ay ka soo qayb-galleen Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Muddane, Mukhtaar Maxamed Cali, Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada Mudane, Xamse Cabdi Ibraahin, qaar kamid ah Agaasime Waaxeedada Hay’adda iyo shaqaalaha kala duwan ee Xarunta dhexe ee Hay’adda Dhawrista Tayada JSL, ayaa si firfircoon uga qayb qaatay Munaasabaddan hordhaca ah ee Xuska sannad guurada 34-aad ee Madax-bannaanida Jamhuurriyadda Somaliland.

Intii Munaasibada Xuska 18-ka May socotay waxa halkaasi hadalo kala duwan ka soo jeediyey Mas’uuliyiinta Hay’ada Dhawrista Tayada JSL oo uu ugu horreyey Guddoomiye Mukhtaar Maxamed Cali, “ayaa ku dheeraaday halkagankii loo soo maray madax bannaanida Qarankani maanta haysto.” “Sidoo kale xubnihii kale ee halkaasi ka hadlay ayaa iyanna kelmaddo kooban oo taabanaya Qarannimada iyo heerarkii ay soo martay halkaasi ka sheegay”.

ALLAA-MAHAD-LEH.