Hay'adda Dhawrista Tayada JSL ayaa Gobolka Togdheer ka daahfuartay tababar ku saabsan Heer-tayeedyada Wax-soosaarka Wanaagsan ee lingax iyo mooriska.

uddoomiye ku-xigeenka Hay'adda Dhawrista Tayada JSL, Md, Xamse Cabdi Ibraahin, ayaa maanta u furay tababar ku saabsan Heer-Tayeedyada Waxsoosaarka Wanaagsan, Lingaxa iyo Mooriska Warshadlayda Gobolada Bariga ee Somaliland, Siiba Kuwooda Ku Yaal Goboladda Saaxil iyo Togdheer. Warshaddaha Ka Qayb Qaadanaya Tababarka Waxaa Ka Mid ah Warshaddaha Maaxda, Saxansaxo, Ilays, Wadaniya iyo SomTuna. Waxaa Tababarkan Soo Qaban Qaabisay Hay’adda Dhawrista Tayada JSL.

Tababarkan ayaa Intu Socon Doono Waxaa Lagu Baranayaa Habraacyo Muhiim ah Dhamaan Warshaddaha Dalka Markay Noqoto Caafimaadka iyo Bedqabka Bulshadda Somaliland.

Ugu danbayn Tababarkaas Waxaa Lagaga wada hadlay Sidi Loo Xoojin Lahaa Wada Shaqaynta Hay’adda Dhawrista Tayada iyo Warshadlayda. Sidoo Kale in La Sii wado Tababarada Noocan Oo Kale Ah.
Xafiiska Warbaahinta ee Hay’adda Dhawrista Tayada JSL.