Hargaysa 09.10.2022. Hay’adda Dhawrista Tayada JSL iyo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL ayaa Maanta kulan kula qaatay ururka ay ku bohoobeen shirkadaha soo dajiya Daawooyinka ee DIWA.

Hargaysa 09.10.2022. Hay’adda Dhawrista Tayada JSL iyo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL ayaa Maanta kulan kula qaatay ururka ay ku bohoobeen shirkadaha soo dajiya Daawooyinka ee DIWA.

 

Kulan kaasi ayaa ujeedadiisu ahayd sidii layskula eegi lahaa waxna layskaga Waydiin lahaa Sharooboyinka Carruuta ee ay Soo saartay Shirkad laga leeyahay Dalka Hindiya oo Magaceeda la yidhaahdo (maiden pharmaceuticals) oo maalmihii u dambaysay ay ka digaysay Haayadda Caafimaadka adduunka ee (WHO).

 

Guddoomiyaha ururka ay ku bohoobeen shirkadaha soo dajiya Daawooyinka ee Diwa oo kulanka ka soo qayb-gelay ayaa Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adda Dhawrista Tayada u cadeeyay in aanay haba yaraatee shirkadda Samaysa daawooyinkan Dalkeena wax daawa ah keenin sidoo kalana aanay xidhiidh la lahayn.

 

Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayadda Somaliland Mukhtaar Maxamed Cali, oo isna kulanka qayb ka ahaa ayaa sheegay in ay baadhis Buuxda ku samaynayaan Dhammaan Dalka gudihiisa, Bulshadana ugu Baaqay in ay lasoo socodsiiyan wixii dawoyinkan ku saabsan ee ay arkaan, Hay’adda Dhawrista Tayadda iyo Wasaaradda Horumarinta Caafimaaddka si baadhis Buuxda loogu sameeyo.

 

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Xasan Maxamed Cali (gaafaadhi) ayaa bulshada u sheegay in aanay Dhibaatadu dawadan ahayn ee ay Dawadani hore u jirtay, balse Dhibaatadu tahay Shirkadan (maiden pharmaceuticals) oo dawadda ay Soo saartay ay ku jiraan waxyaabo siyaado ah ama Xadigii loogu talo galay Dhaafsan, Taasina ay sababtay dhibaatada maanta taagan, bulshaduna ay ka Foojignaadan shirkadaas iyo Sharoobooyinka caruurta ee ay Soo saarto.