guddoomiyaha hay'adda dhawrista tayada jsl ayaa ka qeybgalay xafladda daahfurka istiraatiijiyadda deegaanka iyo isbeddelka cimillada somaliland (2026--2030

guddoomiyaha hay'adda dhawrista tayada jsl ayaa ka qeybgalay xafladda daahfurka istiraatiijiyadda deegaanka iyo isbeddelka cimillada somaliland (2026--2030

 

(guddoomiyaha hay'adda dhawrista tayada jsl ayaa ka qeybgalay xafladda daahfurka istiraatiijiyadda deegaanka iyo isbeddelka cimillada somaliland (2026--2030)

arbaca, 29-april-2026, guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayada jsl mudane maxamed kayse axmed ayaa saaka ka qayb galay xafladda daahfurka istiraatiijiyadda deegaanka iyo isbeddelka cimilada (2026–2030) taas oo lagu qabtay hotel-ka ambassador ee magaalada hargeysa.

masuuliyadaha hay'adda dhawrista tayada jsl ay qaranka u hayso waxa qayb muhiim ah ka tahay ilaalinta tayada iyo ka hortagga in ay dalka soo galaan agab ama anfaaci wax u dhimaya deegaanka iyo cimilada, taas oo si toos ah u taabanaysa ilaalinta bedqabka nafeed ee bulshada reer somaliland.

ka hay'ad ahaan waxa aannu rumaysan nahay iskaashiga iyo isgarabsiga ay iskaashadaan wasaaradaha iyo hay’adaha dawliga ahi in uu wax weyn ka tari karo dadaallada joogtada ah ee lagu ilaalinayo deegaanka iyo cimillada dalkeenna. ka qaybgalka guddoomiyaha hdht jsl ee munaasabaddan ayaa ah mid si weyn u muujinayaa sida ay goor walba uga go’an tahay hay'adda dhawrista tayada in ay door muuqda oo firfircoon ka qaadato dhismaha mustaqbal deegaan oo nadiif ah, caafimaad leh, isla markaana waara.

allaa mahad leh

xafiiska isgaadhsiinta iyo xidhiidhka dadweynaha, hay'adda dhawrista tayada jsl.