
Guddoomiyah Hay'adda Dhawrista Tayada JSL, Maxamed Kayse Axmed, oo ay weheliyaan Guddoomiye ku xigeenka Hay'adda Mudane: Dr, Maxamuud Jaamac Cali iyo Agaasimaha Guud ee Hay'
Hargaysa 01 July 2025.Guddoomiyah Hay'adda Dhawrista Tayada JSL,: Maxamed Kayse Axmed, oo ay weheliyaan Guddoomiye ku xigeenka Hay'adda Mudane: Dr, Maxamuud Jaamac Cali iyo Agaasimaha Guud ee Hay'adda Axmed Cali Ismaaciil, ayaa maanta kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah Waaxaha Hay'adda Dhawrista Tayada JSL.
Waaxaha ay maanta mas’uuliyiintu kulamadda la yeeshan ayaa kala ahaa.
1. Waaxda Qorsheynta
2. Waaxda Shaybaadhka
3. Waaxda Hubinta Tayada iyo Baadhista.
Kulan-kan oo ujeeddadiisu ahayd is-xogwaraysi ku saabsan hawlaha shaqo iyo sidii loo dardargelin lahaa shaqada Hay'addu Qaranka u hayso, gaar ahaan waajibaadka ka saaran waaxyahaas, ayaa lagu lafaguray iyo siddii kor loogu qaadi lahaa hufnaanta iyo wax-soo-saarka shaqada.