
Guddoomiyah Hay'adda Dhawrista Tayada JSL, mudane Maxamed Kayse Axmed, oo ay weheliyaan Guddoomiye ku xigeenka Hay'adda Mudane: Dr, Maxamuud Jaamac Cali iyo Agaasimaha Guud ee Hay'
Hargaysa 01 July 2025.
Guddoomiyah Hay'adda Dhawrista Tayada JSL, Maxamed Kayse Axmed, oo ay weheliyaan Guddoomiye ku xigeenka Hay'adda Mudane: Dr, Maxamuud Jaamac Cali iyo Agaasimaha Guud ee Hay'adda Axmed Cali Ismaaciil, ayaa maanta kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah Waaxaha Hay'adda Dhawrista Tayada JSL.
Kulan-kan oo ujeeddadiisu ahayd is-xogwaraysi ku saabsan hawlaha shaqo iyo sidii loo dardargelin lahaa shaqada Hay'addu Qaranka u hayso, gaar ahaan waajibaadka ka saaran waaxyahaas, ayaa lagu lafaguray iyo siddii kor loogu qaadi lahaa hufnaanta iyo wax-soo-saarka shaqada.